Xaashi oo ka digay shuruuc iyo hay'addo Farmaajo saxiixay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee waqtigiisu idlaadey ayaa ka digay shuruuc iyo hay'addo lagu magacaabay qaab aan sharci ahayn.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Talaadada maanta ah soo saarey war qoraal ah ayaa tibaaxay in shuruucda iyo xubnaha kamidka ah hay'addahan aysan soo marin nidaamka sharci ee u degsan waddanka.

"Guddoonka golaha shacabka oo wali u sii jira hay'ad ahaan laakiin muddo xileedkiisa uu dhamaadey 27-dii December, 2021 wuxuu si sharci darro ah madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ugu gudbiyey shuruuc iyo xubno hay'addo dastuuri ah oo aan soo marin Aqalka Sare," ayaa lagu yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online.

Farmaajo oo saxiixay shuruucda iyo xubnahaas ayuu caddeeyay "in uu si bareer ah ugu xadgudbay" dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya gaar ahaan qodobka 87aad ee Axdiga Qaranka Waddanka.

Hay'adaha dowliga ah, madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayuu ku booriyey in aysan wax macaamil ah la yeelan dhamaan hay'addaha ku magacaaban "wareegtooyinka sharci darada ah".

"Goluhu wuxuu ka digayaa dhamaan hay'addahan ku magacaaban wareegtooyinka sharci darada ah ayna ilaaliyaan shuruucda iyo xeerarka u yaala waddanka," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Dhawaqa Xaashi ayaa kusoo aadaya xilli shalay guddiga lagu muransan yahay ee la dagaalanka musuqmaasuqa uu soo saarey qoraal uu kaga digayo in wax-is-dabamarin lagu sameeyo doorashooyinka.

Hoos ka akhriso qoraalka Cabdi Xaashi

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM