Xal laga gaarey tabashada dhul-boobka ee Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Xal ayaa laga gaarey ashtakadii dhul-boobka ee ka taagneyd magaala madaxda ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo, sida ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dhowr illo wareedyo oo ay ku jiraan qaar kamid ah dhibaneyaasha dhulka laga qaatay.

Sida ay sheegeen odayaal dhaqameedyo lasoo xiriiray GO, xalkaas ayaa ka dhashay dedaalo ay bixiyeen dhinacyo kala duwan. Darafyada waxay la kulmeen mas'uuliyiinta Kismaayo, iyagoo isla gartay in shacabka dhulka laga xoogay dib loogu celiyo hantidooda maguurtadda ah.

Sidoo kale, waxaa is-aragaas lagu soo bandhigay dukumiintiyadda dhulkaas lagu siiyey ganacsatadda maxaliga ah iyo caddeyn ku saabsan in uu saxiixay duqa Kismaayo Mudane Axmed Tima-jilac.

"Wixii dhul-banaan ah oo dadku leeyahay waa la sharciyeynayaa baa la yiri," ayuu yiri mid kamid ah odayaasha oo khadka telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online wallow uu sababo ku aadan in aan loo ogoleyn la hadalka war-fidiyeenka uu uga gaabsaday baahinta magaciisa.

Sida laga soo xigtay odayaasha, waxaa sidoo kale la isku afgartay in dhulalka aan danta guud ahayn laga qaado sumadaha sheegaya in la bixiyey isla markaana laga wareejiyay dadka mulkiyadooda leh.

Odayaasha oo rajeeyay in is-afgaradkan uu ka dhaqan-gelin doono dhanka maamulka ayaa ku tartarsiiyey dadweynaha in ay sumadeystaan dhulalkooda ama in ay dhistaan haddii ay awoodi karaan.

Is-qabqabsiga dhulalka iyo dhul-boobka ay mas'uuliyiinta dowlada iyo dad ku dhow ay ku lug-leeyihiin ayaa ku badan degaanadda Jubaland si gaar ah Kismaayo, waxaana xilliyada qaar ka dhashay dagaal dhexmara ciidanka iyo dadka degaanka taasoo sababta dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM