Xasan Sheekh: Al-Shabaab waa kansar nagu dhex-jira

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in "kooxdan qowleysatada ahi" ay caqabad ku tahay horumarka dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo maqaal uu qoray lagu daabacay warbaahinta ku hadasha dowladda ayaa maleyshiyaadka Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay "kansar nagu dhex-nool".

Faaladdan oo lagu qoray luuqadaha English iyo Soomaali ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: "Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab".

Maqaalkan ayaa kusoo aaday xilli waddanka uu ku jiro dagaal ayna qaybo kamid ah dalka ka soconayaan howlgalo ay wadaan ciidamadda iyo dadka degaanka oo intiisa badan ka jira gobolka Hiiraan.

Sidda laga soo xigtay madaxwayne Xasan Sheekh, Soomaaliya ayaa kaliya horumar ummadeed iyo mid dowladeed waxay gaari kartaa marka ay iska dul-qaado "kooxda arxanka daran".

"Xilligan adag oo dhibaatooyin bini'aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen," ayuu qoray.

Wuxuu raaciyey: "Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda".

"Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan," ayuu tibaaxay.

Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in saddexdii bilood ee lasoo dhaafay lagala wareegay Al-Shabaab in ka badan 40 goobood oo isugu jira degaano, tuulooyin iyo magaalooyin kuwaasoo isku-geyn dhan 150 kilomitir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM