Xasan Sheekh Maxamuud oo ka shanqariyay hadal shaki abuuray

Image
Dhawaqan ayaa kasoo yeeray madaxweynaha intii uu la hadlaayay ciyaartoyda xulka kubada cagta 17-jirada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu ka shanqariyay hadal dhaliyay guux weyn, loona fasirtay siyaabo kala duwan.

Xasan Sheekh, oo shalay ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay xulka qaranka ee 17 jirada ee kubbada cagta oo kusoo guuleystay koobkii CECAFAU17, ayaa xusay in bulshada ay u diyaargaroowdo wax uu ku tilmaamay "go’aano cusub bil kasta".

"Maadaamaa aan madaxdiina ahay, waxaan xaq idiinku leeyahay in aad aqbashaan go’aanada aan gaarno, una gaarno sida aan u aragno in ay ku jirto danta dalka," ayuu yiri.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaanan faahfaahin badan ka bixinin waxa uu ula jeedo hadalkaasi. Balse, waxa uu sheegay in loo baahanyahay go’aamo iyo tallaabooyin ad adag si looga hortago halista Al-Shabaab.

Dad badan oo kala duwan ayaa hadalka madaxweynaha u fasirtay in dalka lagu soo rogi rabo amar degdeg ah, kaas oo horseedi kara in muddo dheer la hakiyo kulamadda baarlamaanka iyo shaqooyinka hay’adaha dastuurida ah qaarkood, lana laalo xoriyadaha asaasiga ah qaarkood.

Wax ka yar 24 saac kadib hadalka madaxweynaha ayaa waxaa dib loo xirey Cabdalla Muumin oo ah guddoomiyaha urur u dooda xuquuqda saxafiyiinta SJS, kaas oo shalay uun maxkamadda gobolka Banaadir damiin kusii daysay.

Lama oga in amarada uu madaxweynaha soo wado ay qeyb ka yihiin xakamaynta dhaqdhaqaaqa saxaafadda iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, ama waxyaabo la xiriira xuquuqda hadalka iyo isu imaatinada.

Waxaa dhowaanahan ardaayada siyaasadda tiiley in madaxweynaha uu qorsheynayo in uu muddo sanad ah hakiyo kulamada baarlamaanka federaalka.

Wallow aysan jirin cid si madax-banaan u xaqiijin karta warkaas, hadalkiisan cusub ayaa loo arkaa mid uu bulshada ugu diyaarinayo in ay aqbalaan go’aanada ay calaamad su'aalka dulsaaran tahay.

Madaxweynaha ayaa inta badan iska qanciyay kooxihii siyaasadda ee mucaaradka ku noqon lahaa go’aamadiisa, gaar ahaan dowlad goboleedyada, kuwaas oo iyaga laftooda qaadaya go’aano aanan loo dhamayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM