​Xasan Sheekh oo difaacay Khaladaadkii doorashooyinka Barlamanka cusub [DHAGEYSO]

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda uu Waqtiga ka dhammaadey Xasan Sheekh Maxa'uud ayaa sheegay in Baarlamaanka cusub ee shalay la dhaariyay uu ka duwan yahay dhaqanka Baarlamaanadii hore.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh in Xildhibaanada cusub inay xambaarsan yihiin aragtida iyo fariinta gobollada laga soo doortay, sidoo kalena ay ku jiraan dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh.

"Baarlamaankan cusub wuxu ka duwan yahay Baarlamaanadii hore in lagu soo doortay Deegaan Doorashooyinka Shacabka wax dooranayay ee codka bixinayay ay Deegan yihiin, waxay xambaarsan yihiin fariintii ay dadkaasi ay usoo dhiibteen, taasi oo aan aaminsanahay inay ka duwanaandoonta dhaqanka Xildhibaanadii hore," Ayuu yiri MD Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay Guddiyada amniga iyo Doorashooyinka oo horseeday inay qabsoonto soo xulista Xildhibaanada Somalia.

Waxa uu Xasan Sheekh ugu baaqay Beesha caalamka inay la shaqeyso Baarlamaanka cusub.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay qaladaad badan dhaceen intii ay doorashada socotay, isagoo ciladaasi u sababeeyay Daruufaha dalka ka jira, oo uu sheegay inay keeneen Khilaafyo badan.

Qaladaadka ka dhacay Doorashada ayaa waxaa kamid ah Musuq-maasuq, Handadaad, Cod-iibsasho, Bedelaada Ergada Beelaha iyo Sed-buris xooggan oo lagu sameeyay Beelaha Soomaaliyeed qaarkood.

Kuraasnbadan oo kamid ah Baarlamaanka ayay Beesha caalamka xuseen in Doorashadooda aan loo marin hanaanka doorashada, waxayna mugdi galiyeen la shaqaynta dowladda cusub, haddii aan dib loogu laaban Kuraastaas gaaraysa 24-ka.

Dhanka kale, Madaxweyne  waqtigu ka idlaaday Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidamada dowladdiisa ay fashiliyeen dhowr isku day oo kooxaha ammaan xumada wada ku doonayeen inay ku carqaladeeyaan dhaarinta Xildhibaanada maalintii Shalay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin culus u diray dowlado shisheeye 

“Ciddii isku dayda inay kala qaybiso Soomaaliya waxay heli doontaa kaliya waqti, dadaal iyo diblomaasiyad khasaaray,” ayuu yiri madaxweynaha.

  • Soomaliya

    16-06-2025

  • 06:03PM