Xasan Sheekh oo guddoomay dhambaal uga yimid dhigiisa Algeria

Image
Image
Image
Image
Dhambaalka ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Warfaafinta Dalka Algeria Maxamed Buu Saleymaani ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha dalka Algeria  Cabdulmajiid Tamuun.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Algeria Maxamed Buu Saleymaani ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleysan marti-qaadka shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo bisha soo socota ka furmaya dalka Al-geria, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhambaal iyo farriin aqbalaad ah uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Cabdulmajiid Tabuun.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in labada dowladood ay sii amba-qaadaan is afgaradkii ka soo baxay kulankii labada Madaxweyne ay ku yeesheen New York, bishii la soo dhaafay, kaas oo ku saabsanaa iskaashiga diblumaasiyadeed iyo in labada dal ay yeeshaan xiriir toos ah.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay wafdiga uu la kulmay ee dalka Al-geria xaaladda dalka iyo dadaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku bixinayaan horumarka iyo dib u xoreynta, isagoo rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo soo celin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Hubkii Masar waxaa loo Adeegsaday Dagaal Sokeeye

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli uu madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 12:18PM

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM