Xasan Sheekh oo shaaciyey dhabaha looga adkaan karo Al-Shabaab

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shacabka u diray fariin ku saabsan gulufka ka soconaya dalka oo dhan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta qiimaha badan ee 12-ka Oktoobar oo ku beegaan maalintii la yagleelay Calankeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maalinta Calanka ee 12-ka Oktoobar ay shacabka Soomaaliyeed ugu suntantahay maalin weyn oo halyeey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay Calankeenna quruxda badan ee aan dunida kale kaga tilmaaman nahay, taas oo muujineysa sida dadka Soomaaliyeed maskaxdooda, naftooda iyo maalkooda ugu hureen gobanimada dalka iyo helidda astaan ay gaar u leeyihiin.

"Si aan u dareensiinno carruurteenna iyo jiilasha danbe maalintan qiimaha badan waa in aan xusnaa oo weynaynaa halgankii loo soo maray xornimada dalkeenna, madax-bannaanidiisa, dowladnimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale maanta waxaan nooga baahan xoreyn deegaannada argagixisada ay shacabka ku dhibaateeyaan"

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay xoojiyaan dadaallada dalka looga xoreynayo argagixisada caadeysatay gumaadka dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dhabbaha kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay midnimo, wadajir iyo xaqiijinta qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM