Xasan Sheekh oo xaqiijiyay Kulan uu la yeeshay Fahad Yaasiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta xaqiijiyay inuu la kulmay Sirdoonka Fahad Yaasiin, warkaas oo Garowe Online Shalay baahiyay [Halkan ka akhri Warka].

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in kulanka oo ka dhacay hoyga Muqdisho uu ka degan yahay inuu ahaa Salaan uu Fahad ugu yimid, balse aan looga hadlin siyaasad xili dhawaan Madasha soo dhawaysay natiijada Shirkii Dhuusamareeb 3.

"Kulankii aniga iyo Fahad yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed. Wax ajende siyaasadeed ah oo aan ka wada hadalnay ma jirin. Wuxuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam aan oday Soomaaliyeed ahayna qof kasta oo soo gasho gurigeyga waa la xusmeynaa mar kasta," ayuu ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xili Farmaajo lagu wado inuu ku dhawaaqo Saacadaha ama Maalmaha soo aadan Ra'iisul Wasaaraha cusub, ee bedeli doono Xasan Cali Khayre, oo 25-kii July 2020 Baarlamaanka Kalsoonida kala noqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM