XFS: Heshiiska mucaaradka kuma jirin badalida taliyeyaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in heshiiska ay la gashay mucaaradka uusan jirin qodob xeerinaya in la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

Wasiirka amniga, Xasan Xundubey Jimcaale oo u waramay barnaamijka Galka Baarista ee idaacadda VOA-da, ayaa daaha rogay in xukuumadda aysan hadda qorshaha igu jirin bedelida taliyeyaasha.

Balse, sida uu cadeeyay Xundubey, waxaa suurtagal in isbedelkaas ay ku yimaadaan "talooyin kale" oo uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta uu helo mudada uu ku guda jira arrimaha doorashadda.

Dhawaqa Xundubey ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen hadalheyn ku saabsan in Rooble uu isbedel ku sameyn karo taliyeyaasha ciidamada si uu helo kalsooni badan.

Hadalheyntaas waxaa abuuray qodobka lixaad ee heshiiska ay 5-tii bishaan May ku gaareen Mudisho xukuumadda iyo mucaaradka kaasoo kusoo afjaray xasaradaha iyo isku-dhacyada hubeysan.

Qodobkaas wuxuu xeerinayaa in dib-u-habeyn lagu sameeyo hogaanka hay'addaha ammaanka taasoo ay kasoo talobixinayaan guddi khuburo ah oo ra'iisul wasaaraha uu magacaabi. Lama shaacin mudada.

Heshiiskaas ayaa soo deg-degay markii ciidamadda milatariga ay ku kala qeybsamaan muddo kororsiga qaarkood soo galeen Muqdisho kuna dhawaaqdey Aqalka dalka looga armiyo ee Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM