​Xildhibaan Juriile oo beeniyay inuu isu-sharaxay Guddoonka Aqalka Sare Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa dhawaan lagu wadaa in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia ay doortaan Guddoonkooda iyadoo todobaadkan  iska dhex xulay Xubno qaban qaabin doonta doorashada.

Xilli howshaasi socoto, ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan awood qaybsiga cidda noqonaysa Guddoonka Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana warbaahinta qaybtood daabacday inuu booskan raadinayo mudane kasoo jeeda deegaanada Puntland oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Juriile.

Prof. Juriile, ayaase wararkaas beeniyay isagoo sheegay inaysan waxba ka jira howlaha la isla dhexmarayo, wuxuuna meesha ka saaray in booskan u taaganyahay ruux kasoo jeeda beesha Daarood.

‘’Waxaa la ii sheegay in warbaahinta qaarkeed qortay in beesha Daarood shirtay, ayna go’aansatay in ay raadsadaan guddoomiyaha aqalka sare, Aniggana leysku afgartay in aan isku soo taago xilkaas, warkaasi waa been, waana waxba kama jirin, shirna ma dhicin cid arintaa isaga timidna ma jirto,’’ ayuu yiri Jurile.

Xildhibaanka, ayaa intaas ku daray in awood qaybsi ahaan xilka ugu sareeya Aqalka Sare iska leeyihiin mudanayaasha ka yimid gobollada Waqooyi islamarkaana gudbisan karaan araajidooda.

‘’Sida qorshuhu yahay guddoomiyaha aqalka sare waxaa isku soo taagi kara oo kaliya xubnaha ka soo jeeda beellaha Gobollada Waqooyi oo la filayo in ay araajidooda u gudbiyaan gudiga qabanqaabada doorashada,’’ Ayuu hadalkiisa kusii daray Mudane Juriile.

Waa markii ugu horaysa taariikhda Somalia ay yeelato gole Aqal Sare iyadoo ay horay u jiri jireen Aqalka hoose oo kaliya, waana tan keentay in tuhun la galiyo cidda hogaamin doonta Afarta Sano ee soo socota.

Arrintan, ayaa kusoo aday xilli la filayo in 22 January ay dhacdo doorashada Guddoonka Aqalka Sare.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM