Xildhibaanada Soomaaliya ee haysta labada dhalasho, dalkey metelaan?
MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka waa hay'adda ugu muhiimsan dal walba. Sidoo kale waana tiirarka ay ku taagan tahay dowladnimadda.
Shaqada xeer-dejinta ayaa ah in ay la xisaabtamaan Laanta Fulinta, in diyaariyaan sharciyada wadanka muhiimka u ah iyo ka doodista marka ay timaado qadiyad caalami ah.
Sidda ay kala silan yihiin dalalka ku dhaqma nidaamka federaalka, Soomaaliya ayaa leh Laba Gole xeer-dejin oo kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
Senate-ka oo laba sano kahor lasoo kordhiyay inkasta oo uu dastuurka ku jiray ayaa melata dowlad goboleedyadda, isaga oo aan tan guud ka tageen.
Wadar guud ee labada Gole ayaa ah 272 taasi oo ka dhigan 329 oo Aqalka Hoose ah iyo 54 oo Aqalka Sare ah.
Sidda lagu ogaaday xog uruurin la sameeyay, 105 kamida xubnaha labada Aqal waxay ay haystaan dhalasho kale [dual nationality].
Boqortooyadda Ingiriiska waa dalka ugu badan ee mudanayaasha dhalashiisu haystaan waana 29 kale. Mareykanka ayaa kusoo xiga oo ah 22.
Sharcidejiyeyaasha haysta dhalashada UK ayaa todobaadkaan waxay la kulmeen safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya kadib markii casuumaad loo fidiyey.
Sidda ku cad qoraal kasoo baxay safaarada, dhinacyada ayaa kawada xaajooday danaha ay wadaagaan iyo kaalmo ay Britain siineyso Soomaalida.
Inkasta aysan safaaradu soo bandhigin ajendaha rasmi ah ee kulanka lagu falanqeeyay, haddana waxaa ka dhashay su'aallo badan.
Mid kamida su'aallaha waxaa kamida; Yey tahay cidda ay sidda dhabta ah u metalayaan danaheeda, ma Soomaaliya mise Ingiriiska?
Waxaa la aaminsan yahay in Xildhibaanada oo qaadashada dhalashooyinka wadamada kale ay ku qaadatay muddo badan aysan dooneyn in ay lumiyaan, maadaama aysan hubin hadii ay booska sii joogi doonan.
Mudada xileedkooda waxaa haatan uga harsan laba sano. Kuwa doonaya in ay sii joogaan ayaa raadin doona in loosoo doorto, halka xubnaha aanan rabin ay dib ugu laaban doonan wadamada ay ka yimaadeen ama ay dalka sii joogayaan.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in safiirka Mareykanka uu casuumay Xildhibaanada dhalashada Ameerika haysta ee baarlamaanka ku jira.
Lama hubo hadii safaraada sida UK u soo bandhigi doono kulanka, inkasta oo fahfaahinta ay muujineyso in aysan suurtogal ahayn.
Arrimahaan ayaa kusoo beegmaya iyadda oo dhowaan Mareykanka uu soo saarey warbixin uu ku farayo dadka dhalashadiisa haysta ee wadamada xilka ka haya in aysan ka qaybgeli karin shirarka gudaha wadankaasi ka dhacaya.
Tani ayaa aad u saameysay madaxwayne Farmaajo, kaasi oo tan iyo markii uu xafiiska yimid aanan ka qaybgelin shirar muhiim ahaa oo ka dhacay Mareykanka isaga oo wakiishay ra’iisul wasaare Khayre.
Kaliya ma ahan Xildhibaanada dadka haysta dhalashada kale, waxaa jira mas'uuliyiin kale iyo shaqaale dowladeed waxaase intaasi wehlisa in xitaa ra'iisul wasaare Khayre uu haysto dhalashada Norway.
GAROWE ONLINE