Xildhibaano dhaliilay Qoor-Qoor oo Gunada iyo Fadhiyada laga joojiyay

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Lix xubin oo kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa laga joojiyay lacagta Gunada iyo fadhiyada joogtada, kadib markii lagu eedeeyay inay dhaliileen siyaasada Madaxweyne Qoor-Qoor.

Xildhibaanada oo kala ah C/llaahi Xirsi Maxamed, Axmed C/risaaq, C/naasir Aadan, C/qaadir C/llaahi Bariise, Mursal Maxamed iyo Daahir Cabdi Shiiqow ayaa laga joojiyay afar kulan oo kamid ah kalfadhiga 5aad ee sanadkan 2022.

Sidoo kale, waxaa laga jaray labo bilood oo Gunadii ay qaadan jireen, iyadoo lagu amaray inay soo gudbiyaan cudur-daar qoraal iyo oraah ah, oo ay raali-gelin uga bixinayaan eedaha loo jeediyay ee ah sharci-jebinta.

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi oo ka falceliyay arintan ayaa yiri: Waxaan ognahay wixii maalin dhoweyd ka dhacay xarunta barlamaanka Galmudug iyo sharciyo ayadoon kooramku buuxin uu Gacal marsiiyey, Xildhibaanadii arintaas ka hadlayna lagu haysto maxaad u hadasheen.

Maamulka Galmudug ayaa mudo kusoo jiray kala qeybsanaan iyo khilaafyo siyaasadeed, iyadoo khatar Al-Shabaab ay ku geedaaman tahay Dhuusamareeb, oo xarun u ah. Qoor-Qoor ayaa lagu eedeeyay wax-qabad la'aan iyo safaro joogto ah iyo dibad-joognimo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM