Xisbiyada Soomaaliya oo weerar afka ah ku qaadey Donald Yamamota

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Xisbiyada Qaran oo ka falcelisay guusha Qoor-qoor ee doorashadii baarlamaanka Galmudug ee Villa Soomaaliya aqoonsan tahay ayaa ku sifeeyay mid aan u dhicin qaabkii la qorsheyay.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay iska indha tirtay dalabkeena ahaa in doorashaddu ku qabsoonto si xor ah, xalaal ah oo loo wada dhan yahay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xisbiyadda mucaaraadka.

Donald Yamamota, danjiraha Mareykanka, oo aqoonsaday coddeynta, ayay ku sifeeyeen "safiir taageeray nidaam doorasho oo la khiyaanay oo si cad loo musuqmaasuq layska indha tiray hab lawada ogol yahay".

Sidda ku xusan qoraalka, Madasha ayaa eedeynta ay u jeedisay safiirka u cuskaneysa in uu wali jiro is-jiid-jiid siyaasadeed.

"Safiirka oo dhiibay daacadnimadiisa iyo dhex-dhexaadnimada wuxuu jebiyey tiirarka iyo mabaa'diida dowlad wanaaga iyo horumarinta dimuqraadiyadda ee siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka," ayay xuseen.

Dhanka kale, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo doorasho daah-furan oo lawada ogol-yahay ayna mar walba ka shaqeyn doonan arrintaas ayay caddeeyeen in ay aqbali doonin wax ka duwan.

Talaabooyinka ay xukuumada ku sameysay cod-bixinta Galmudug ayay ku nuux-nuux sadeen in ay su'aal gelin karto natiijada doorashooyinka federaalka ee sanadkan qorshuhu yahay in ay dhacaan.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayay shaaciyeen in tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen ka shaqeynayeen xasiloonida daradda dowlad goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Laga Saaro Ciidamada Jubaland Kadib Weerarkii Dadka Lagu Laayay

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua, ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Jubbaland laga saaro dhulka Kenya.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 06:07AM