XOG: Maxay ka wada hadleen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Haweenka Puntland?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Xalay kulan la qaatay Haweenka Puntland, kuwaas oo ku hawlan sidii xal looga gaari lahaa xiisada siyaasadeed iyo isu soo dhawaynta dhinacyada doorashada isku heysta.

Sida ay sheegeen goob joogayaal la hadlay Warsidaha Garowe Online, gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimaha doorashada iyo amniga, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday mowqifka mucaaradka ee ku aadan doorashada.

Guddoomiyaha & Doorashooyinka:

Gudoomiyaha ayaa sheegay in caqabadaha siyaasadeed ee hadda jira aysan sahlaneyn, isla markaana go’aamada doorashada ay u taallo Madaxweynaha dhawaan xilka ka degaya ee Siciid Cabdullaahi Deni iyo guddiga doorashada PEC.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in cidda ugu horraysa ee u xil-saaran doorashadu ay tahay Guddiga Doorashooyinka ee PEC, isla markaana ay ku shaqeeyaan jadwal doorasho oo hore loo cayimay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shaqada Guddiga PEC aanay u baahnayn in wax Xeer ah la meelmariyo, isaga oo taas ku sifeeyey dacaayad ka imanaysa mucaaradka.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa la sheegay in uu ka hor imaanayo nidaamka doorashada lagu muransanyahay, oo aan la qaban karin iyada oo xeerka la ansixin.

Waxaa xusid mudan in guddiga Baarlamaanka oo loo xil saarey xeerka doorashada Qof iyo Cod ay diideen in ay soo gudbiyaan, iyaga oo eegaya halista ka imaan kara sida ay ku caddeeyeen Shir-araa’id ay qabteen maalinta Khamiista ah.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu qorsheynayo magacaabista guddi cusub oo soo gudbiya xeerkan.

Gudoomiyaha & Mucaaradka:

Sidoo kale waxa uu sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in hanaankii hore lagu qabto doorashada ay ka yimaadeen hal deegaan, isaga oo ku sheegay in aanay jirin musharax ka mid ah oo ka yimid deegaanada kale ee Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in laga soo bilaabo xilligii Madaxweynihii hore ee Cabdullaahi Yuusuf ilaa maantadan la joogo in Baarlamaanka mar walba lagu weerari jiray nin reer Sanaag ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri:

“Anagu hadaan nahay Guddoonka Baarlamaanka diyaar uma nihin inaan dadkeena ku riixno inay qaxaan, 80 gaari oo nooca dagaalka ah ayaa gurigeyga dhabarkiisa yaala, haddii khilaaf siyaasadeed yimaado ciidamada madaxtooyada ku jira ma beegsanayaan, ee aniga ayaa Reer Sanaag-nimo la’iisoo aadayaa”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo lagu wado in kalfadhiga baarlamaanka la qabto saacado kadib, xilli xildhibaanada ogol in xeerka doorashada dib loo dhigo ay saaka ku guulaysteen in aan Barlamaanka la hor keenin xeerar ku saabsan arrimaha doorashada Puntland ee lagu muransan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soomaaliya usoo diraysa Ciidanka labo qorshe fulinaya iyo Itoobiya oo isha ku haysa

Tababar dheeraad ah ayaa la siiyay Ciidanka Masar maadaama loo soo dirayo dal mudo dagaallo ka socdeen, islamarkaana ku xoog badan tahay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 03:38PM

Muxuu salka ku hayaa safarka deg-dega ah ee Xamase ku aadan Kenya?

Xamse waxaa sidoo kale la filayaa in Kenya kula kulmay siyaasiyiin iyo odayaal uu u arko inay la heshiisiin karaan Axmed Madoobe.

  • Soomaliya

    28-11-2024

  • 02:03PM