Xubno Al-Shabaab ah oo "ku dhintay" qarax ay maleegayeen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa 61 dagaalame oo ay ku jiraan lix hogaamiyeyaal waxay ku weyday qarax ka dhacay xarun lagu diyaarinayey qaraxyada, sida ay warisay warbaahinta dowlada.

Idaacada ku hadasha afka ciidamada Soomaaliya oo baahisay in qaraxa uu dhacay shalay galab ayaa xustey in ay ku taalo tuulada Aala-fuutow oo 65-KM u jira degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha hoose.

"Goobtaasi inuu qarax ka dhaco waxaa sababay kadib markii waxyaabihii ay farsameeynayeen ay ku qarxeen xarunta [oo] ahayd guri ka koobnaa 11-qol kaasi oo lagu diyaarinayay gaari iyo miinooyinka dhulka lagu aaso iyo sidookale jaakadaha maleeshiyaadka argagixisada u isticmaalaan isqarxinta," ayaa lagu yiri warbixinta Idaacadda SNA.

Sida ku cad warbixinta, hogaamiyeyaasha waxaa kamida ajaaniib - Axmed Shariif (Abuu Bilaal) oo u dhashay Agaanistaan iyo Khaalid oo la sheegay in uu u dhashay Kenya -  iyadoo labaduba qaabilsanaayeen qaraxyada.

Saraakiil ka tirsan taliska milatariga Soomaaliya oo warbixinta lagu soo xigtey iyaddoo aan lasoo bandhigin magacyadooda ayaa waxay intaas ku dareen in ay baaritaan ku waddaan magacyada hogaamiyeyaasha kale.

Marka laga soo tago sheegashada ciidamada Soomaaliya, ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya. Sidoo kale, ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka ururka xiriirka la leh Al-Qaacida.

Inta badan Al-Shabaab ayaa dardargelisa weerarada ay ka fuliso magaalooyinka Soomaaliya marka ay soo dhowaadaan doorashooyinka madaxtonimada iyo baarlamaanka oo dhowaan bilaaban doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM