Xukuumada cusub ee Jubaland oo la meelmariyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Baarlamaanka Jubaland ayaa Talaadada maanta ah wuxuu si aqlabiyad leh ku meelmariyey golaha xukuumadda maamul goboleedkaas oo dhowaan la magacaabay.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay go'aankan, isaga oo rajeeyay in wasiiradda ay si deg-deg ah guda geli doonan gudashadda waajibaadooda dastuuriga ah.

"Waxaan uga mahad celinayaa Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaanada sharafta leh sida aqlabiyada ah ee ay maanta u meel mariyeen Xukuumada cusub," ayuu Axmed Madoobe yiri.

Axmed Madoobe ayaa intaas ku daray: "Xukuumadan waxaa hortaala waajibaad shaqo baaxad leh taas oo muhiim u ah dardar galinta howlahii shaqo ee horay u socday iyadoo diirada la saarayo kobcinta iyo hormarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul daadajinta, waxaan rajo weyn ka qabaa in Xukuumadan Cusub ay ku guulaysan doonto dhamaan himilooyinka shacabka Jubaland shaqada bulshada loo hayo si ay u noqoto mid taabo gal ah isla xisaabtanku wuxuu noqon doona mid joogta ah iyadoo xooga la saarayo hufnaanta shaqada".

"Madaxweynahu wuxuu uu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Madaxweynaha ayaa gaba gabadii Guddoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan cusub guda gasho".

Bishii hore ee May 20-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii Axmed Madoobe uu magacaabay golaha wasiirada Jubaland. Magacaabida waxay timid bilooyin kadib markii dib loo doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM