Xukuumada oo fahfaahisay socdaalka Rooble ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Arbacada maanta ah wuxuu u socdaalay magaala madaxda ku meelgaarka u ah Jubaland ee Kismaayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa horey wuxuu u soo bandhigay in Rooble ay socdaalka ku wehlin doonan mas'uuliyiin kala duwan isla markaana uu kadib u safri doono xarunta Kenya ee Nairobi.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ayaa looga warbixiyey socdaalka Rooble kaasoo la filayo in ay si diiran u soo dhaweeyaan hogaanka dowlad goboleedka Jubaland.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland," ayuu lagu yiri.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland".

"Inta uu joogo Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso Jubaland. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland," ayaa la raaciyey.

Qoraalka ayaa lagu soo xiray: "Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu".

Socdaalka Rooble ee Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan la filayo in ay shaqo bilaabaan guddiga uu u saarey dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo taasoo xudun u ah qabsoomida doorashooyinka 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM