Xukuumada oo ka falcelisay hanjabaada amiirka Al-Shabaab

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble. [Photo: OPM Somalia]

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoos-u-dhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee Al-Shabaab ee ku wajahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlamaanka 11aad ee soo aadan.

Lataliyaha koowaad ee arrimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Diirshe oo u waramay VOA-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta maleyshiyada.

"Siyaasadda dowladda federaalka ee ku wajahan kooxda Al-Shabaab way cadahay. Sidaas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka," ayuu hadalkiisa ku daray.

Amiirka Al-Shabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyadiisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dhamaan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsadaan kahor inta aysan khaarijin.

Xaalad cabsi abuur ah

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdisalaam Guuleed, ayaa dhawaqa horjooge Abuu Cubeyda wuxuu ku sifeeyay "xaalad cabsi abuur ah oo ay doonayaan in ay geliyaan dadka ka qeybgalaya coddeynta".

"Balse waa in aan la dhayalsan. Waa in uu jiraa qorshe looga hortago in ay saameyn ku yeeshaan codbixinta. Inkasta oo ay isku dayi doonto in ay carqaladeyso doorashooyinka, balse kuma guuleysan doonan in ay joojiyaan geedi-socodka dimuqraadiyada Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dib-u-dhac muddo sanad ah sababo la xiriira is-mari-waa ka jiray geedi-socodka iyo nooca. Madaxweynaha wqtiga ka dhamaadey Farmaajo iyo mucaaradka waxay u dabceen cadaadiska dibada.

Ciidamadda Soomaaliya oo kaashanaya dhigooda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu waddaa in ay iska kaashadaan xaqiijinta nabad-gelyadda doorashooyinkan oo lagu tilmaamayo middii ugu adkeyd taariikhda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM