Ka qeybgalka Lafgareen ee shirka Muqdisho oo laga hadlay

Image
Kulankan ayaa horay loo qorsheeyay in uu bilowdo 27-da bishan December.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ay filayso in uu Muqdisho u yimaado shirka golaha wadatashiga qaranka.

Maxamed Ibraahim Macalimuu, afhayeenka xukuumadda Rooble oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga, ayaa sheegay in is-aragan uu Muqdisho ka bilaaban doono maalmaha soo aadan.

Sida laga soo xigtay Macalmuu, shirka oo horay loo qorsheeyay in uu bilowdo 27-da bishan December, ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

"Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda".

"Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho," ayuu xusay.

Laftagareen ayaa horay u sheegay in uusan ka qeybgali doonin shirkan uu iclaamiyey Rooble sababo la xiriira in wasiirka koowaad uu farageliyey shaqaca guddiga xalinta khilaafaadka isaga oo aan la tashan madaxda maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo oo walaac ka qaba xaaladda Soomaaliya, digniinna u diray Xasan Sheekh

Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka inay si degdeg ah u soo saaraan qorshe doorasho oo cad.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:39AM

Mudo xileedka Baarlamaanka Soomaaliya oo dhamaaday iyo Xildhibaano is-casilay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna uga hartay mudo-xileedkiisa 31 maalin, iyadoo aan muuqan dadaallo uu wado oo doorasho ku qabanayo.

  • Soomaliya

    14-04-2026

  • 11:06AM