Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay lataliye sarre

Image
Jagadan cusub waa Lataliyihiisa Arrimaha Dastuurka ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuseen Sheekh Maxamuud u magacaabay Lataliyihiisa Arrimaha Dastuurka "oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya," sidda ay warisay Villa Soomaaliya.

Xuseen oo kamid ahaa murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa bishii August waxa uu iska-casilay xilka Agaasimaha Madaxtooyadda oo uu hayay tan iyo bishii May, 2022.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM