Badmaaxiyiin u dhashay Turkiga kuna xirnaa Eritrea oo lasii daayey

Image

ANKARA, Turkey – Saddex badmaaxi oo u dhalatay Turkiga isla markaana iyagoo socdaal caalami ah ku jira lagu xiray Eritrea ayaa lagu waramay in lasii daayey maanta oo Sabti ah kadib faragelin ay Ankara sameysay.

Selim Ekmekcioglu, Ibrahim Ignak iyo Erman Lutfu Atamer ayaa la xusay in ay xorriyadooda dib u heleen kadib dedaalo wadajir ah oo ay sameeyeen madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda.

Wakaaladda wararka Anadolu Agency ayaa mid kamid ah xubnaha qoyska saddex badmaaxi kasoo xigatay: "Telefoonka ayaan kula hadlay, wuxuuna ii sheegay in uu wanaagsan yahay isla markaana lasii daayey".

Mas'uuliyiinta Turkida ayay kaga mahadcelisay dedaaladda sii deynta oo ay sheegtey in ay ahayd wax ay mar walba ku riyoonayeen.

Bilihii September iyo Maaj ee 2017-kii ayay galeen Eritrea. Kadib safar ayay u aadeen Jabuuti, ciidamadda ammaanka ayaa xiray soo kaabashadooda. In ay soo laabtaan waxaa sababay xirnaanshiyaha kanaalka Suez.

Xilli ay muddo saddex bilood ah jeelka ku jireen, kanaalka Suez waxaa loo xiray sabab ku aadan safmarka heeganka geliyey dunida ee Coronavirus, kaas oo haatan laga soo kabanayo.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in ay dib ugu laabtaan Jabuuti oo deris la ah Eritrea, balse ay dhextaalo colaad la xiriirta is-qabqabsi dhul. Dagaalo qaraar oo dhexmaray waxaa ku dhintay boqolaal u badan shacab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruushka oo Uganda siinaya taageero milatari oo dhan $53 milyan

Qalabkan ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ciidamada Uganda ee ilaalinta biyaha iyo ka jawaabista xaaladaha amni.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:58AM

Dagaalka Moyale oo sii xoogeysanaya, kumannaan qofna u qaxey dalka Kenya

Si kastaba, saraakiisha gargaarku waxay ka digayaan in sahayda jirta aysan dabooli karin baahida sii kordheysa.

  • Afrika

    25-10-2026

  • 04:47AM