Gobolka Haylaan oo hantay tartanka kubada Puntland

Image
Xulka Nugaal ayaa ku guuldareystay in ay difaacdaan koobkan oo horey ay laba jeer u qaadeen.

GAROWE, Puntland - Tartankii kubada cagta gobolada Puntland ayaa kusoo dhamaadey gool-ku-laad ama rigoore ay ku kala baxeen labada xul ee nasiibka u yeeshay in ay wada dheelaan kama dambeysta.

Kulanka ayaa kusoo dhamaadey 2-2 dhamaan daqiiqadihii caadiga ahaa. Tani waxay qasab ka dhigtay gool-ku-laad ama rigoore maadaama kulanka kama dambeys u yahay koobkan xiisaha badan.

Nugaal iyo Haylaan ayaa fooda is-daray final-ka oo uu martigeliyey garoonka kubada cagta Mire-Awaare ee ku yaala caasimada dowladda Puntland ee Garowe tartankana ka socday asbuucyadii u dambeeyay.

Haylaan ayaa 4-3 gool-ku-laad ku hanatay koobka. Taariikhda waa markii ugu horeysay oo ay ku guuleystay tartanka. Sideed jeer oo horey loo qabtay waxaa kala qeybsadey afar kaliya gobol.

Bari oo afar jeer qaadey, Nugaal oo laba jeer u dabaaldegtay, Sool iyo Haylaan oo min hal jeer qaadey. Sanadkan waxaa tartanka xiiso gooniya ah u yeelay saameynta uu ku yeeshay baraha bulshadda.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo wadahadalada arrimaha doorashooyinka u jooga magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shaashada telefishinka Puntland State Tv ka daawanayey ciyaarta.

Sidoo kale, madaxwayne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale oo wasiiro xukuumadda kamid ah ay ku jiraan ayaa si toos ah qalcadda uga daawanayey dheesha.

Guuldarada waxay Nugaal uga dhigan tahay in ay ku fashilmeen in ay difaacdaan koobka maadaama ay ahaayeen gobolkii ugu dambeeyay ee qaadey koobkan June, 2014-kii ayaga oo rigoore kaga qaadey Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pep Guardiola oo qiil u yeelay guuldarooyinka Man City

City waxay isku diyaarineysaa kulan muhiim ah oo ay Liverpool ku wajahayaan Anfield, iyadoo rajeynaysa inay joojiso hoos-u-dhaca taariikhiga ah.

  • Cayaaro

    24-11-2024

  • 04:55AM

Sidee loo kala badiyay ciyaarihii xalay ee Champions League?

Bayern Munich & Real Madrid oo u gudbay Semi-Finalka Champions League.

  • Cayaaro

    18-04-2024

  • 06:51AM