Wajiga ugu dambeeya Garoonka diyaaradaha Garowe oo la bilaabay
Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa maraya wajigii ugu dambeeyay, waxaana 03 October, 2017 lagu bilaabay Daamurkii la saari lahaa Wadada ay ku degayaan diyaaraduhu iyo goobaha ay istagayaan, taasoo la sheegay inay qaadan doonto muddo bil ah. Garoonka ayaa la qorshaynayaa in la daah furo bisha soo socota.