ADDIS ABABA, Itoobiya — Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Khamiistii ka digay in isku day kasta oo lagu soo duulo dalkiisa uu la kulmi doono jawaab adag, isagoo sheegay in Itoobiya aysan damac ka lahayn inay weerarto dalalka deriska la ah.
Isagoo khudbad ka jeedinayay Golaha Wakiillada Shacabka, ayuu Abiy mar kale xaqiijiyay sida dowladdiisu uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, wuxuuna difaacay doorka milatari ee Itoobiya ku leedahay qaaradda Afrika.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu Itoobiya ku tilmaamay dal gobolka uga jira kaalinta walaalka weyn, isagoo xusay inay muddo dheer ka qeyb qaadanaysay dadaallada nabad ilaalinta ee Rwanda, Soomaaliya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Liberia iyo Koonfurta Suudaan.
Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay marar badan safka hore kaga jireen hawlgallada amniga gobolka, ayna bixiyeen naf-hurnimo weyn si loo ilaaliyo nabadda.
"Taariikhda Itoobiya laguma aqoon inay dal kale ku duusho, mana laha damac ay mustaqbalka sidaas ku samayso. Hase yeeshee, cidna ma imaan karto xuduudaheeda, kuma soo duuli karto, dabadeedna sharaf kula noqon karto. Adwa waa la soo celin doonaa ee ha na tijaabinina," ayuu yiri Abiy.
Hadalka Abiy wuxuu tixraacayay dagaalkii Adwa ee 1896-kii, markaas oo ciidamada Itoobiya ay jabiyeen ciidamadii Talyaaniga ee dalka ku soo duulay, dagaalkaas oo astaan weyn u ah taariikhda iyo halganka Itoobiya ee ka dhanka ahaa gumeysiga.
Abiy ayaa sheegay in jiilal badan oo Itoobiyaan ah ay u soo halgameen difaaca madaxbannaanida, aqoonsiga iyo qarannimada dalka, isagoo xusay in jiilka maanta uu waajib ka saaran yahay ilaalinta dhaxalkaas.
Inkasta oo uu diray digniintaas, haddana ra’iisul wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka, xalinta khilaafaadka si nabadeed, dulqaadka iyo is-cafintu ay weli udub-dhexaad u yihiin siyaasadda Itoobiya ee arrimaha gudaha iyo kuwa gobolka.
"Xallinta dhibaatooyinka si nabadeed oo wadahadal loo maro waa astaan ilbaxnimo," ayuu yiri, isagoo sheegay in nabaddu muhiim u tahay ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo qoysaska ay colaadaha saameeyeen.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay baarlamaanka aqoonsiga uu siiyay naf-hurnimada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, isagoo ammaanay askarta ku shaqeeya duruufo adag.
Wuxuu sheegay in ciidamada ay mararka qaar maalintii lugeeyaan masaafo u dhexeysa 30 ilaa 40 kiiloomitir, iyagoo wajahaya roob, dhaxan iyo kuleyl daran si ay u difaacaan dalkooda.
Abiy ayaa sheegay in inkasta oo askartu qaataan mushahar yar, isla markaana ay bixiyaan naf-hurnimo weyn, haddana xusuusashada ciidamada dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay difaaca dalka ay tahay muujin muhiim ah oo muwaadiniintu ugu mahadcelinayaan.
GAROWE ONLINE