Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Image

BEIJING — Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa isniintan maanta ah sheegay in dadaallada nabadeynta ee lagu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Iiraan ay hadda u muuqdaan "kuwo ku socda waddadii saxda ahayd."

Haddalkaan ayaa laga soo xigtay Ra'iisul Wasaaraha ka hor inta uusan magaalada Beijing kula kulmin dhiggiisa dalka Shiinaha, Li Qiang. Sharif ayaa tilmaamay in dhex-dhexaadinta rasmiga ah ee ay dowladdiisu ka dhex waddo labada dhinac ee is-khilaafsan ay muujisay horumar weyn iyo guulo hordhac ah.

Muuqaal ay baahisay telefiishanka qaranka ee Pakistan (PTV) ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ku yiri: "Pakistan waxay qaadatay kaalin hufan oo dhexdhexaadin ah si loo qaboojiyo xiisadda dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan."

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir, kaasi oo xiriir dhow la lahaa hoggaanka labada dhinacba. Taliye Munir ayaa toddobaadkii la soo dhaafay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Tehran, halkaas oo uu wadahadallo kula yeeshay madaxda ugu sarreysa dalka Iiraan, iyadoo qayb ka ah qorshaha caalamiga ah ee lagu soo afjarayo iska horimaadka ka taagan Bariga Dhexe.

"Waxaan rajaynaynaa, una ducaynaynaa in nabaddu dib u soo laabato. Wax badan oo shaqo ahna horay ayaynu u qabannay," ayuu yiri Sharif, isagoo dhanka kalena u mahadceliyey madaxda dalka Shiinaha oo taageeray dadaalka diblomaasiyadeed ee Islamabad. Waxa uu intaas ku daray in dhibaatadan ay si weyn u saameysay dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamkaba, loona baahan yahay in la midoobo si ganacsigu caadadiisii ugu soo laabto.

Dhinaca kale, Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, uu maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay Ra'iisul Wasaaraha Pakistan si ay uga wada hadlaan xiisadda taagan.

Shehbaz Sharif ayaa hadda ku guda jira booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa, iyadoo booqashadan ay ku soo beegantay xilli labada dal (Shiinaha iyo Pakistan) ay u dabbaal-degayaan sannadguuradii 75-aad ee ka soo wareegtay markii uu billowday xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo la Geliyay Bandow iyo Ninkii Toogashada Geystay oo la Shaaciyay Aqoonsigiisa

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qof rayid ah uu ku dhaawacmay is-rasaaseynta ka dhacday goobta u dhow madaxtooyada.

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 08:43AM

Iran oo Mareykanka ugu Hanjabtay "Aargoosi Aad u Adag" Haddii Trump uu Dib u Billaabo Dagaalka

Hanjabaaddan kulul ee ka timid dhanka Tehran ayaa timid ka dib markii uu Ghalibaf magaalada Tehran kula kulmay Taliyaha Ciidanka Pakistan.

  • Caalamka

    23-05-2026

  • 12:57PM