Daacish oo bilowdey ugaarsiga ganacsatadda Boosaaso

Image
Warbixino amni ayaa xaqiijiyey in qaraxii shalay ka dhacay magaalada ay ka dambeysay kooxda ISIL.

BOOSAASO, Puntland - Saddex qof ayaa lagu waramay in ay ku dhimatay qarax miino oo ka dhacay mehrad lagu cuno Qaadka, oo ku taala afaafka shirkadda Al-Macruuf, ee magaalada Boosaaso, xarunta ganacsiga Puntland.

Ma cadda bartilmaameedka. Laamaha amnigu wali kama hadlin. Magaalo madaxda gobolka Bari ayaa muddooyinkii dambe nabdooneyd. Hay'adaha ammaanka waxay xoojiyaan howlgalada lagu sugayo nabad-gelyadda.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay ka dambeysay kooxda Daacish ayna la damacsaneyd in ay ku cabsi-gelisio ganacsato bakhaaro ku leh nawaaxiga meesha ay wax ka dhaceen.

Maqaayadda la beegsadey ayaa waxaa inta badan fadhiiista ciidamadda. Ku dhowaad 15 qof oo dhaawacyo kasoo gaareen falkaas waxaa la sheegay in tirro kamid ah ay yihiin askari Jaad la fadhidey goobta ay wax ka dhaceen.

"ISIL waxay samaysaa in ay miinooyinka surto geedaha korkooda waana tabta ay qaraxii u dambeeyay u adeegsadeen. Ciidamadda aalaaba waxay ka feejigan yihiin dhagartaas ay maleegayaan," ayuu yiri sarkaal ciidan.

Daacish ayaa isku dayaysa in ay sameyso dhaqaale ay ku maalgeliso ololaheeda guracan waxaana ay beegsanaysaa ganacsatadda si ay uga helaan baadaas hase ahaatee in badan oo kamid ah way iska diideen dalabkaas.

Suuqa bakaaraha ee Muqdisho ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ganacsatada ku sugan ay amarka kooxda argagixisada ah u hogaan-sameen ayna maalmo xireen wallow kalkii dambe dowlada ay awood dib ugu furto mehradaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM