Deni oo olole siyaasadeed ka bilaabay caasimadda Kenya
GAROWE, Puntland – Madaxwayne Deni ayaa caasimada Kenya ee Nairobi ka bilaabay olole siyaasadeed oo ku wajahan damaciisa doorashooyinka Soomaaliya 2026 iyo taageero uu u raadinayo qorshihiisa muddo kororsi ee Puntland, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.
Deni oo dhowr maalmood kahor tagay Nairobi kadib markii uu soo dhamaadey shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay siyaasiyiin Soomaali iyo Kenyan ah.
"Hadalkiisa waxaa laga dhadhansan karay in uu ku jiro damac ah in uu isku dhejiyo madaxtinimada uu haatan haysto si uu ugu gaaro doorashada federaalka ee 2026-ka," ayay GO u sheegeen qaar kamid ah dadkii la kulmay madaxweynaha.
Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in Deni uu sidoo kale codsadey in loo abaabulo munaasabad uu kula hadlayo Soomaalida ku nool magaalada Nairobi. Hadal-jeedintiisa waxaa la filayaa in uu ku diro fariimo siyaasadeed.
Talaabooyinka loo qaadey ku darsiga
"Lagama filayo in uu kala caddeeyo haddii qorshihiisa doorashooyinka goleyaasha degaanka uu ku hoos wado ajande muddo kororsi ah sidda uu horeyba isaga indhatiray dhowr munaasabadood," ayay sheegeen dad xog-ogaal ah.
Qaar kamid ah wasiiradda xukuumadda Deni ayaa munaasabado kala duwan waxay ka sheegeen in uusan jirin qorshe noocaas ah. Balse, dadka xog-ogaal ah waxay qireen in madaxweynuhu uu hadaladaas aad uga caroodey kuna amray wasiiradda in aysan dib dambe uga hadlin qodobkan.
Talaabooyinka uu Deni qaadey ee muujinaya in uu u socdo muddo kororsi waxaa kamid ah isbadalo uu ku sameeyay qaar kamid ah hay’adaha dowladda gaar ahaan laamaha ammaanka oo uu keensadey shaqsiyaad daacad u ah.
Ururadda Siyaasadda iyo dadweynaha Puntland ayaa cod dheer waxay uga digeen in Deni uu isku-dayo in uu waddo aan heshiis lagu ahayn u maro hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta taasoo ay xuseen in ay keeneyso xasilooni darro.
Digniinta loo diray laamaha amniga
Siyaasiyiin shir jaraa’id ku qabtey caasimadda Garowe ayaa xasuusiyey Deni in midnimadda iyo ammaanka Puntland uu haatan khatar iyo dayac wajahayso sababo ku aadan in xukuumadda uga mashquushay dano gaar ah.
Wasiiru Dowlihii hore ee Maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiqaadir Cismaan oo kamid ah siyaasiyiintaas, ayaa si gaar ah uga digay laamaha ammaanka in ay ku milmaan siyaasadda iyo is-qabqabsiga doorashooyinka.
"Waxaan leeyahay taliyaha booliska Puntland Muumin ina adeerow dowlad kasta kuu baahan laakiin ha isku noqon qori loo isticmaalo dano gaar ah, muddo kororsi, iyo sad-bursi," ayuu hoosta ka xariiqay Cismaan.
Doorashooyinkii goleyaasha degaanka ee sidda horudhac ah uga qabsoomay degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho ayaa dibadda u soo saarey daldaloolo ay kamid tahay in xukuumadda ay dooneyso natiijadda ka qoslisa hogaanka xilka haysa taasoo hareermarsan dimuqraadiyadda.
GAROWE ONLINE