Deni oo tagaya Muqdisho xilli xiriirkiisa Villa Soomaaliya liito

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa tagaya caasimada Soomaaliya xilli wasiiradiisa uu ka joojiyey la shaqeynta wasaaradaha federaalka.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu waddaa in uu Axada berri ah socdaal ku gaaro caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Booqashadan oo kusoo hagaagaysa xilli uu hoos-u-dhacay cilaaqaadka Deni iyo Villa Soomaaliya ayaa, sidda xogtu sheegayso, waxay salka ku haysaa dhowr arrimood balse ay ugu mudan tahay saddex arrimood.

Deni oo arki doona saraakiil Ameerikaan ah kana tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo AFRICOM ayaa kala hadli doona diyaaraddii ku dagtey garoonka diyaaradaha magaaladda Gaalkacyo.

"Waxaa la filayaa in mudada uu socdo kulankan ay doodiisa u badnaan doonto tabasho uu ka muujin doono diyaaradaas oo ahayd nooca qumaatiga u kacda oo sahay u waday ciidanka Danab," ayay GO u xaqiijiyeen ugu yaraan afar illo wareedyo.

Hogaamiyaha waqtiga ka dhacayo ee Puntland ayaa isku-dayey in uu is-hortaago duulimaadkaas balse wuu ku fashilmay. Warar ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ogeyd diyaaradaas.

Dhanka kale, Deni ayaa wadahadal la yeelan doona madaxda dowladda federaalka gaar ahaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyadda oo ajandaha ugu yahay balamahii hore.

Labada mas' ayaa lagu waddaa in ay si gaar ah uga wadaxaajoodaan xilal uu Saciid Deni doonayo in loo magacaabo shaqsiyaad taabacsan gaar ahaan walaalkiisa Xasan oo uu u goobayo safiir.

"Kal hore wuxuu doonayay in walaalkiisa looga dhigo danjiraha Soomaaliya u fadhin doona Imaaraadka. Lama oggase haddii uu ku guuleysan doono," ayay GO u sheegeen illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Xasan iyo Deni oo ay noqonayso markii labaad si shaqsi ah ugu gorgortamaan arrimo gaar ah ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan uu Deni ku amray wasaaradaha Puntland in aysan la shaqeyn karin federaalka illaa xafiiskiisu fasaxo kuna eedeeyay Villa Soomaaliya "dhaqaale lunsasho".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM