Puntland iyo Galmudug oo diiday sharciga Shidaalka ee uu ansixiyey BF

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland iyo Galmudug ayaa ayaa kasoo horjeestay Sharciga Shidaalka ee todobaadkaan uu meel-mariyey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sidda ku cad war-murtiyeed kasoo baxay shir ay Gaalkacyo ku yeesheen madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo dhigiisa Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxay sidoo kale maamulada qaadaceen xeerarka Doorashooyinka iyo Canshuuraha.

"Dowladdaha Puntland iyo Galmudug waxay caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegayaan in aysan qayb ka ahayn, aqoonsaneyna Sharciyada Bartoolka, Doorashooyinka iyo Canshuuraha oo ay xukuumada federaalka gacanta ku hayso, ayna qayb ka aheyn wixii go'aano masiiri ah aan lagu gaarin wadatashi iyo wadar-ogol dowlada federaalka iyo maamulada ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Xeerarkani ayaa kamid ahaa qodobadii keenay in lagu kala dhaqaaqo Shirkii madaxda maamulada iyo dowlada ee Garowe, kaasi oo xukuumada lagu eedeeyay in ay diiday joojinta Hindisa Sharciyeedyadaasi.

Dhanka kale, labada maamul ayaa ku dhawaaqay iskaashi dhinaca amniga iyo siyaasadda ah, sidda laga soo xigtay bayaanka kulanka laba geesood ah kasoo baxay.

"Madaxdu waxay isku raaceen in la sameeyo guddi farsamo oo heer wasiir ah oo ka shaqeeya adkeynta iskaashiga amniga siyaasadda ah," ayaa war-murtiyeedka lagu cadeeyay.

Hogaamiyeyaasha ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in la dabar-jaro shaqaaqooyinka ka dhaca degaanada Miyigi ee ku yaala degaanada labada maamul ee deriska ah.

War-murtiyeedka ayaa bogaadiyay dadaalada xasilinta Mudug ee ciidamada isku dhafka ah, kuwaasi oo ka sameeya magaalooyinka gobolkaasi howlgalo nabad-gelyada lagu sugayo.

"Waxaa lagu heshiiyey in lasoo qabto dadka fal-dambiyeedyadda geysta sameeya sida dilka, dhaca iyo falalka kale ee wax u dhimaya xasiloonida gobolka," ayaa hoosta laga xariiqay.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Deegaanka Puntland oo billowday fulinta Xeerka Sahminta Degaanka

Waa tallaabo muhiim ah oo loo qaadey dhanka horumarka, iyadoo shacabka ay wax badan ka filayaan inay ka faa'idaan qorshaha.

  • Puntland

    07-09-2024

  • 01:04PM

Wadada laamiga ah ee bartamaha Gaalkacyo oo xariga laga jaray

Jidkan ayaa muhiim u ah horumarka, isu socodka gaadiidka iyo bilicda magaalada.

  • Puntland

    03-09-2024

  • 12:27PM