GAROWE- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta 05 Febraayo, 2016, ku dhawaaqay in deegaanada Puntland ka jirto abaar laxaad leh kadib markii uu xarunta Madaxtooyada Puntland kula kulmay 30 katirsan hay'adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gudaha dalka. 

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa beesha caalamka iyo hay'adaha taageerada Somalia siiya ka codsaday inay gacan ka gaystaan qaabkii looga hortagi lahaa dhibaato la saadaaliyay inay soo food saari doonto dadka iyo duunyada ku dhaqan Puntland. 

“Waxa la-sheegay in %65 dhulka daaqsinta ah abaartaasi ay saamaynayso, halka %70 xoolaha  Puntland ay abaartaasi saamayn doonto, waxa kaloo lasheegay in 213,000(labo boqo saddex iyo toban kun) oo qof oo u dhiganta 1.2(hal milyan iyo 200) oo qof oo kamid ah dadka reer miyiga ah ee Puntland in ay dhibaato u geysan doonto abaartaasi,”Ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali. 

Madaxweyne Gaas, oo sheegay inay xukuumaddiisa mas'uuliyad kasaarantahay qaabkii wax looga qaban lahaa xaaladda abaareed ee Puntland, ayaa xusay inay ka tan badan tahay awoodda jiilaalka la sheegay inuu jiro, wuxuuna bulshada Somaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Puntland kacodsaday inay u istaagaan qaabkii dadkaas xaaladooda loola socon lahaa.

“Anaga ka xukuumad ahaan waxaa naga saaran waajib Diini ah iyo mid Dawli ah, welibana aanu lahaano qorshe ku aaddan abaarta, laakiin waxaan ogahay in ay naga awood badan doonto oo dawladda Puntland aysan oo awood u lahayn in keligeed ay xaaladaasi  wax kaqabato,”Ayuu yiri Gaas. 

Wuxuu xusay in xaaladda haatan taagan saamayn ku yeelatay dhaqalaha dadka reer guuraga iyo nolashooda, wuxuuna tilmaamay in hoos u dhac ku yimi iibka xoolaha nool, islamarkaana u dheertahay biyo iyo baad la'aan, taasoo uu sheegay inaysan u adkaysan karinta inta laga gaarayo xilli roobaadka Gu'ga. 

Hadalka Gaas, ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe qaylo dhaan kasoo yeeray gobollada Puntland gaar ahaan gobollada Sanaag iyo Gardafuu oo saamayn gooni ah ku yeelatay duufaan dabayaaqadii sannadkii hore ku dhufatay. 

GAROWEONLINE