Weerar ka dhacay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSASO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ka fuliyay Boosaaso, oo ah magaalad Ganacsiga Puntland iyo xarunta gobolka Bari, halkaasi oo mudooyinkii dambe ay kusoo kordhayeen weerarada kooxaha argagxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

Weerarkii xalay ayaa lagu dhaawacay Garsoore katirsan Maxkamadda Sare ee Puntland, oo lagu magacaabo Saciid Cabdi Muumin, sida ay Saraakiil katirsan Booliska Boosaaso u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Kooxda falkaasi geysatay ayaa lagu soo waramayaa inay goobta ka baxsatay, iyadoo aan jirin illaa hadda cid sheegatay ms'uuliyadda weerarka, balse waxaa socda baaritaan ay wadaaan ciidamada amniga.

Boosaaso ayaa kamid ah goobaha ugu amniga xun Puntland, iyadoo ay ka dhacayaan falal lidi ku ah amniga iyo xasiloonida oo ay fulinayaan Al-Shabaab iyo Daacish oo ka howlgala magaalada.

Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas, oo hadda waqtigu ka dhamaaday ayaa mudadii ay jirtay lagu eedeeyay inay ku fashilantay hanashada amniga Puntland, oo ay kusoo xoogeysteen kooxaha argagaxisada.

Intii Gaas uu xafiiska joogay, weeraro aan horey Puntland uga dhicin, oo taariikhda baal madow ka galay ayay Al-Shabaab ka fulisay Puntland 2017 iyo 2018, gaar ahaan Af-Urur iyo Balli Khadar oo katirsan gobolka Bari, kuwaasoo lagu dilay askar badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM