Ajnabigii laga qabtay madaarka Aadan Cadde oo la xukumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa go’aan waxay kasoo saartay dacwadda loo heystay nin u dhashay Ingiriiska, kaasi oo bishii Janaayo laga qabtay garoonka Aadan Cadde.

Andrew Brain Irlam, oo 48-sano jir ah, ayaa loo haystay in uu walxo qarxa la galay gudaha madaarka, in uusan qalabkiisa ku war-gelin laamaha amniga iyo in uu khal-khal geliyay nabad-gelyadda.

Shaqsigan ayaa markii la qabtay waxaa magaciisa lagu sheegay Anthony Thomas Cox, balse maxkamadda waxay kolkii dambe ku tilmaamtay "Andrew Brain Irlam".

Tirro laba jeer ah ayuu horey maxkamadda uga soo muuqday kahor inta fadhigii maanta, waxaana uu ku xirnaa mudadaasi oo lix bilood ah xabsiga dhexe ee Xamar, oo maxaabiis Daacish isku dayeen in ay khaarijiyaan.

Xeer-beegtadda oo Talaadada maanta ah mar kale u fadhiisatay gal-dacwadeedkan ayaa shaacisay in ay ku wayday labadda eedeyn ee horey, balse ay "ku heshay" eedeynta saddexaad.

Garsooreyaasha oo dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay ciqaabta uu mudan yahay ayaa isku raacay in shaqsigan lagu xukumay ganaax lacageed oo gaaraya todoba kun oo dollar-ka Mareykanka.

Inta la og-yahay, waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee 1991-dii kadib, in shaqsi ajnabi ah lagu maxkamadeeyo gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaala madaxda.

Irlam oo dhalasho labaad ka haysta waddanka Faransiiska ayaa wuxuu la shaqeynayay shirkad dhanka amniga ka shaqeysa oo lagu magacaabo Bancroft, taasi oo laga leeyahay Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM