Aqalka Sarre oo baaq la xiriira doorashada u diray DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iyo maamuladda in ay kulmaan kahor 25-ka bishaan June, 2020.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay golaha, shirkaas waxaa looga hadlayaa sidii loo heli hab iyo hanaan raali la isaga yahay oo lagu galo doorashooyinka dhamaadka sanadkan.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in shirkaas ay qayb ka noqonayaan dhamaan daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda ee dalka, wallow aanan lagu carabaabin dhinac gaar ah.

"Goobta uu wadahadalka ka dhacayo waxaa lagala tashan doonaa dhinacyadda ay khuseyso ee labada heer dowladeed," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka uu Garowe Online arkay.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa shaki la gelinayaa in ay waqtigooda dhacayaan. Maamulada qaar iyo xisbiyadda mucaaraadka waxay cuskadeen diyaar-garow la'aan iyo amni xumo.

Siyaasiyiinta ayaa ka digay muddo kororsi ay sheegeen in uu doonayo madaxweyne Farmaajo, kaas oo dhowr jeer ku adkeystay in uu teegeersan yahay in doorashada xiligeeda dhacdo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in khudbadiisa furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ay ka muuqatay "dhiilo abuur".

Farmaajo ayaa khudbadiisa ku tibaaxay in doorashada ay noqoneyso qof iyo cod, balse, maamulada iyo xisbiyadda waxay sheegeen in ay dhici karin, loona baahan yahay in laga heshiiyo.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in afhayeenka Senate-ka Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu magacaabi doono guddi ka shaqeeya isku-keenida madaxda dowladda iyo maamulada.

Hoos ka akhriso baaqa Senate-ka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal Culus oo Baydhabo ka Qarxay, Ciidamada Lafta-Gareen oo Sheegay inay Qabsadeen Magaalada

Baydhabo oo ah caasimadda Koonfur Galbeed ayaa ah magaalo muhiim u ah siyaasadda iyo amniga koonfurta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-08-2026

  • 07:07AM

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM