Aqalka Sarre oo baaq la xiriira doorashada u diray DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Aqalka Sarre ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iyo maamuladda in ay kulmaan kahor 25-ka bishaan June, 2020.

Sidda lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay golaha, shirkaas waxaa looga hadlayaa sidii loo heli hab iyo hanaan raali la isaga yahay oo lagu galo doorashooyinka dhamaadka sanadkan.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in shirkaas ay qayb ka noqonayaan dhamaan daneeyeyaasha arrimaha siyaasadda ee dalka, wallow aanan lagu carabaabin dhinac gaar ah.

"Goobta uu wadahadalka ka dhacayo waxaa lagala tashan doonaa dhinacyadda ay khuseyso ee labada heer dowladeed," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah qoraalka uu Garowe Online arkay.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa shaki la gelinayaa in ay waqtigooda dhacayaan. Maamulada qaar iyo xisbiyadda mucaaraadka waxay cuskadeen diyaar-garow la'aan iyo amni xumo.

Siyaasiyiinta ayaa ka digay muddo kororsi ay sheegeen in uu doonayo madaxweyne Farmaajo, kaas oo dhowr jeer ku adkeystay in uu teegeersan yahay in doorashada xiligeeda dhacdo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa ku eedeeyay Farmaajo in khudbadiisa furitaanka kalfadhiga baarlamaanka ay ka muuqatay "dhiilo abuur".

Farmaajo ayaa khudbadiisa ku tibaaxay in doorashada ay noqoneyso qof iyo cod, balse, maamulada iyo xisbiyadda waxay sheegeen in ay dhici karin, loona baahan yahay in laga heshiiyo.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in afhayeenka Senate-ka Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu magacaabi doono guddi ka shaqeeya isku-keenida madaxda dowladda iyo maamulada.

Hoos ka akhriso baaqa Senate-ka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM

Fiqi oo sheegay in DFS tirada Ciidanka gaarsiinayso 100,000-askari si ay ula dagaallanto Al-Shabaab

Intii uu la hadlayey xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka, Fiqi wuxuu yiri, “Inta ay jiraan ciidamo shisheeye oo dalka jooga.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 09:27AM