Axmed Madoobe, Cabdirashiid Xidig iyo Seeraar oo heshiis gaarey

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, siyaasiyiinta Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar ayaa heshiis ku gaarey caasimada Kenya ee Nairobi, sidda loo xaqiijiyey Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha GO in dhinacyadda ay kala saxiixdeen heshiiska oo lagu soo afjarayo khilaafkii siyaasadeed ee ka dhaxeeyay.

Munaasabad qorshuhu ahaa in lagu shaaciyo isla markaana lagu soo dhaweeyo heshiiska taas oo ka dhici lahayd magaala madaxda Kenya ayaa loo baajiyey sababo la xiriira ka hortagga faafitaanka Coronavirus.

Xidig iyo Seeraar ayaa kamid ah xubnihii mucaaradka Jubaland ee joogay gudaha magaala madaxda ku meelgaarka Kismaayo ee kasoo horjeestay dib-u-doorashada madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidda ay xogta muujineyso, qodobada heshiiska ku jira waxaa kamid ah in ay aqoonsadaan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee uu kusoo baxay Axmed Madoobe isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo diidey in ay la shaqeyso maamulka Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay in ay faragelin ka wado gobolka Gedo si ay halkaas uga hirgeliso maamul daacad u ah.

Mareykanka iyo qaar kamida dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya oo taageero u muujiyey Axmed Madoobe ayaa sheegay in talaabooyinka Villa Soomaaliya ay fursad u abuurayaan Al-Shabaab oo halis ku ah amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM