MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha xilku ka dhammaaday Xasan Sheekh Maxamud, ayaa maanta ka hadlay dooda la xiriirta Biyaha Somaliya ee lagu wado inay ka furanto dalka Holland.
Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Kenya isku fahmi waayeen dooda la xiriira xadaynta badda, isagoo xalka arrintaasi ku tilmaamay dacwadda la geeyay Hague.
"Markii anaga iyo walaalaheen Kenya aan wada hadalnay, oo aan wada hadalkii isla keeni weynay, arrintu waxay noqotay in mushkiladda lagu xalliyo qaab qaanuuni ah oo sharci ah oo wafaqsan shuruucda caalamiga ah,"Sidaas waxaa yiri Xasan Sheekh oo ka hadlay magaalada Muqdishu.
Wuxuu xusay inay muhiimadoodu tahay inaan laga tanaasulin taako kamid ah biyaha dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay guul ay kala soo hoydaan ICJ.
“Muhiimada dacwada Badda waxay tahay Biyaha Soomaaliya ay leedahay hal mitir oo ka mid ah inaan laga tanaasulin,”Ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore, ayaa tilmaamay inay ku doodayaan arrin xaq ah islamarkaana dedaal iyo juhdi badan ku bixin doonaan sidii gacanta Somalia loogu soo celin lahaa biyaha lagu muransanyahay.
Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli maanta la filayo in waddanka Holland ka furanto dood u dhaxaysa Somalia iyo Kenya taasoo ku salaysan muran ka dhashay lahaanshaha qaybo kamid ah badda gaar ahaan xadka labada dhinac.
GAROWEONLINE