MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa ka dhacay Maanta oo Sabti ah magaalada Muqdishu, ee caasimada dalka Soomaaliya.
Qarax oo ahaa mid loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, ayaa ka dhacay Isgoyska Afisyone, oo ku dhaw Saldhiga ciidamada Cirka Soomaaliya.
Goobjooge ayaa GO u sheegay in Gaariga qarxay uu yaallay meel ku dhaw Wadada Afisyone, halkaasi oo ah wado aad mashquul u ah oo ay adeegsadaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dad badan oo ku sugnaa Suuqa Beerta, oo aan ka fogeyn halka uu Gaariga ku qarxay ayaa waxyeello isagu jirta dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay Weerarka.
Ciidamada Amnga oo goobta xiray, ayaa sheegay inay qabteen Nin ay uga shakisan yihiin inuu watay Gaariga qarxay.
Wali ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxa Muqdishu.
GAROWEONLINE