Maalmihii u dambeeyey waxaa baraha bulshada ka socday olole lagu dhaliilayo adeegyada Puntland, gaar ahaan kuwa laga helo magaalada Garowe. Qoraallo iyo sawirro la faafiyey ayaa lagu bartilmaameedsaday shirkadaha korontada, biyaha iyo isgaarsiinta, iyo isbitaallada. Qaar ka mid ah dadka qoraallada soo dhigaya ayaa sawirro ka qaaday xarumo dowladeed iyo saacadaha korontada, iyagoo sheegaya in biilasha korontada iyo biyuhu ku adkaadeen.

Cabashada ku saabsan qiimaha adeegyada aasaasiga ahi waa mid ay tahay in si dhab ah looga jawaabo. Dagaalka Iran iyo Mareykanka iyo carqaladaha ka jira marinka Hormuz waxay saameeyeen isu-socodka saliidda iyo qiimaha shidaalka. Reuters waxay sheegtay in weerarrada maraakiibta maraya Hormuz ay carqaladeeyeen dhoofinta saliidda, isla markaana ay kordhiyeen walaaca ku saabsan sahayda.

Xogta hay’adaha caalamiga ah waxay muujinaysaa in culayska nolosha Soomaaliya aanu ku koobnayn hal adeeg ama hal magaalo. Bangiga Adduunku wuxuu sheegay in sicir-bararka sannadlaha ahi gaaray 6.7% bishii Luulyo 2026, iyadoo kororka qiimaha cuntada iyo shidaalku qayb ka ahaayeen. FAO-na waxay sheegtay in carqaladaha ganacsiga ee colaadaha la xiriira iyo sare u kaca shidaalku kordhiyeen kharashka gaadiidka, taas oo cadaadis ku sii kordhisay qiimaha raashinka.

Warbixinta FSNAU ee Sebtembar 2026 waxay sheegtay in ku dhowaad 5.1 milyan oo qof, oo ah 26% dadka la qiimeeyey, ay wajahayeen cunto-yaraan ba’an intii u dhexeysay Luulyo iyo Sebtembar. Hay’addu waxay sababaha ku dartay colaadaha iyo amni-darrada, qiimaha cuntada oo sarreeya iyo dhibaatooyinka cimilada. Xogtani waxay muujinaysaa in awoodda qoysas badan ee ay ku daboolaan baahiyahooda nololeed ay cadaadis saaran tahay guud ahaan Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa muhiim ah in la xuso kaalinta shirkadaha adeegga bixiya. Burburkii dowladdii dhexe kaddib, shirkado Soomaaliyeed ayaa maalgeliyey adeegyada korontada, biyaha iyo isgaarsiinta, iyagoo buuxiyey meel bannaan oo ka dhalatay burburka hay’adihii iyo kaabayaashii dowladda. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa maanta bixiya inta badan korontada Soomaaliya, halka maalgelinta gaarka loo leeyahay ee isgaarsiintu ay gacan ka geysatay ballaarinta isku-xirka iyo isticmaalka internetka. Doorkoodu wuxuu sahley in adeegyadaasi sii jiraan oo bulshada gaaraan, inkastoo qiimaha, tayada iyo helitaanku aanay weli kaamil ahayn.

Sida ay fahansan tahay Garowe Online, siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland oo ku nool dalka dibaddiisa ayaa lacag ku bixinayey dhaqdhaqaaqyada ololahan. Qaar ka mid ah siyaasiyiintaas ayaa barahooda bulshada ku sheegay, xilli ay dacaayadahani socdeen, inay Puntland ka samayn doonaan kacdoon siyaasadeed.

Haddii siyaasiyiin doonaya inay Puntland ka raadiyaan xil iyo taageero siyaasadeed ay lacag ku bixinayaan olole lagu sumcad-dilayo deegaankooda iyo shirkadaha adeegyada bixiya, maxay ka faa’iidayaan? Ma waxay doonayaan in cabashooyinka bulshada xal loo helo, mise in xanaaqa dadweynaha loo beddelo taageero siyaasadeed? Su’aalahani waxay mudan yihiin jawaab, gaar ahaan marka loo eego doorka ay shirkaduhu ku lahaayeen sii socoshada adeegyada kaddib burburkii dowladda dhexe.

Dowladda Hoose ee Garowe ayaa 26-kii November kulan la yeelatay shirkadaha biyaha iyo korontada. Maamulka degmada ayaa sheegay in qiimo-dhimis la hirgelin doono bilowga sannadka 2027, isla markaana la magacaabi doono guddi xaqiiqo-raadin ah oo qiimeeya adeegyada, qiimahooda iyo cabashooyinka bulshada.

Shirweyne Puntland uga hadlay adeegyada aasaasiga ah ayaa sidoo kale faray Hantidhowrka Guud inuu baaritaan ku sameeyo xaaladda dhaqaale iyo maaliyadeed ee shirkadaha bixiya biyaha iyo korontada.

Cabashada shacabka waa in la dhegeysto oo xal loo raadiyo. Isla markaasna, haddii ay jirto maalgelin siyaasadeed oo lagu doonayo in cabashooyinkaasi isu beddelaan olole lagu sumcad-dilayo Puntland, dadka reer Puntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan cidda maalgelinaysa, sababta loo maalgelinayo, iyo waxa ay ka doonayaan iney ka faa’idaan.

GAROWE ONLINE