Farmaajo oo eryay taliye ku xigeenkii milatariga Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Madaxtooyadda Qaranka ayaa si rasmi ah u baahisay xil ka qaadista uu sameeyay madaxweynaha, maanta oo Khamiis ah 20-ka Febraayo, 2020-ka.

Qoraalka Villa Soomaaliya oo nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaanan lagu shaacin sababta ka dambeysay in la eryo Bariise.

Balse, war-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Farmaajo uu talaabadan qaadey "markii uu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo ciidanka tayeyn iyo qaabeyn joogta ah".

‪"Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah," ayuu raaciyey bayaanka oo ku taariikheysan 20-ka Febraayo, 2020.

Bariise, oo aan wali ka hadlin xil ka qaadista lagu sameeyay, ayaa jagadaan loo dhiibay bishii October 10-keeda sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Mudadii ay jirtay dowlada Farmaajo ciidamada Soomaaliya waxaa soo maray hogaan kala duwan, taasoo dadka naqdiya siyaasada xukuumada u arkaan mid "caqabad ku ah tirtirka Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM

Banaanax ka dhacaya Muqdisho oo sababi kara kacdoon shacab

Xiisaddan siyaasadeed ee ka taan Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli aad u xasaasi ah, iyadoo maalinta berri ah oo ay bishu tahay 10-ka May.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 10:43AM