Farmaajo oo eryay xeer-ilaaliyaha Soomaaliya magacaabayna mid cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya kadib markii uu eryay Axmed Cali Daahir.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, sidda lagu sheegay wareegtadda oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online.

Sidda laga soo xigtay digreetada, soo jeedinta ayaa ahayd, "baahida loo qabo in la dardargeliyo dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala dalka".

Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay'adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka qabyadda ah iyo Xeerarka khuseeya.

"...si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah wareegtadda oo ku taariikheysan 25-ka November 2019.

Madaxweynaha, sidda lagu sheegay qoraalka, ayaa kula dardaarmay Xeer Ilaaliyaha cusub in uu waajibaadkiisa u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska hogaamiyaha waddanka ayaa intaas ku daray: "...uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay".

Axmed Cali Daahir ayaa wuxuu uga mahad-celiyay shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xilka ka qaadista Daahir ayaa imaaneysa xili dalka ay dacwad u taala Maxkamadda Cadaaladda Aduunka oo ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad oo ay isku haystaan Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa ka socda Xalane maanta?

Diblomaasiyiinta caalamiga ah ayaa sheegay in xalinta khilaafka siyaasadeed ay tahay arrin u taalla Soomaalida.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 08:24AM

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM