Farmaajo oo la kulmay dhamaan madaxda dowlad goboleedyadda

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Kadib sanad wadashaqeyn la'aan ah, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay dhamaan hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda wadanka ee ku sugan Dhuusamareeb.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo bedelay mowqifkiisa qabashada doorasho ay ka heshiiyeen daneeyeyaasha ayaa kasoo dhex-muuqdey kulanka.

Sidda ay xaqiijinayaan warar kala duwan oo xog ogaal ah, wadahadalkan ayaa wuxuu horudhac u yahay shirka loo-dhan-yahay ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda.

Illaa iyo haatan ma jiro, waqti rasmi ah oo loo qorsheeyay in uu furmo shirka-madaxeedkaas, marka laga reebo warbixino qeexaya in uu dib u dhacay maanta oo lagu wadday in uu furmo.

Natiijo la'aan ay kusoo dhamaadeen shirar gaar-gaar ah oo madaxdu ka yeelatay ajendaha shirka iyo tabashooyinka ay tirsanayaan qaar kamid ah maamulada ayaa loo aaneeyay baaqashada.

Shirka Dhuusamareeb oo Soomaalida iyo Beesha Caalamka ay indhaha ku hayaan ayaa kasoo baxay kulan ay madaxda maamulada ku yeesheen isla Dhuusamareeb, horaantii bishaan July.

Madaxda maamulada ayaa isku raacay in 2020-21 aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah, iyagoo ku baaqay in heshiis mideysan laga gaaro nooca lagu galayo coddeynta nagu soo fool leh.

Madaxda dowladda federaalka ah oo wajahaya eedeymo ku saabsan doonista muddo kororsi ayaa wali ku taagan mowqifkooda ah in la aado doorasho qof iyo cod ah, waxaana arrintaas mugdi gelineysaa natiijada shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

IGAD oo ka hadashay magacaabista Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya

Ahmed Moallim Fiqi, oo horey u soo noqday Madaxa Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 08:41AM

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM