Ganacsade caan ah oo kamid noqday dadkii lagu dilay weerarkii Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Waxaa isa-soo taraya macluumaadka ku saabsan khasaaraha weerarkii shalay galab kooxda Al-Shabaab ku qaadey Hotel-ka Media [Ex-As-asey] ee magaaladda Kismaayo, xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dad gaaraya 26 qof, oo ay ku jireen ajnabi, siyaasiyiin, Musharax, Ganacsato, Suxufiyiin iyo shaqsiyaad caan ayaa lagu laayay weerarka oo ku billowday qarax gaari oo irida Hotel-ka ka dhacay, kaasoo xigay mid toos ah oo dabley gaareysa 3 ay gudaha ku galeen.

Ragga hubeysan ayaa toogasho ku dilay inta badan dadkii ku sugnaa hotel-ka, oo ahaa mid caan ah oo ay deganaayeen ganacsato, siyaayiin, qurbajoog iyo ajnabi, waxaana weerarka uu qaatey mudo 12 saacadood oo xalay oo dhan, iyadoo lasoo afjaray waaberigii sabtida oo maanta ah.

Mahad Garguurte, oo ahaa ganacsade ka yimid Tanzania, ayaa la xaqiijiyay inuu kamid ahaa dadkii lagu xasuuqay Hotel-ka, iyadoo geeridiisa ay taabatey dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isaga aqoonta u lahaa noloshiisii.

AUN Mahad oo uu dhalay Ganacsade caan ka ah dhulka Soomaalida degta, oo lagu magacaabo Garguurte, kaasoo hadda degan dalka Tanzania ayaa u tagey Kismaayo ka ganacsiga Kalluunka, isagoo wata koox xirfadlayaal shiinees iyo Tanzaaniyaan ah.

Marka laga soo tago Mahad, waxaa kaloo lagu dilay weerarka Kismaayo Hodon Nalayeh, gabar Suxufiyad ahayd oo caan ah, kana timid Canada, iyo Seygeedii Fariid Jaamac, oo horey usoo noqday wasiirka Ganacsiga Jubbaland, kaasoo ay iskuursadeen sanad kahor.

Ismaaciil Maxamed Shuuriya, oo ahaa Xildhibaan hore, sidoo kalena dhawaan isku soo sharaxay doorashadda Jubbaland ayaa la xaqiijiyay inuu ku jiray dadkii Soomaaliyeed ee naftooda ku waawayay dhacdadan xanuunka badan.

Weerarka Hotel-ka wuxuu ahaa midkii ugu weynaa oo Al-Shabaab ka fuliso Kismaayo, tan iyo markii lagala wareegay sanadkii 2012-kii, waxaana lagu soo beegay xilli bisha soo socota doorashada Madaxweynaha Jubbaland ay ka dhacayso magaaladda.

Kismaayo oo ah magaalo xeebeed, ayaa qiyaastii 500-KM uga beegan magaaladda Muqdisho, waxayna xarunta KMG ah hadda u tahay maamulka Jubbaland, maadaama caasimadiisa Bu'aalle wali ay haysato Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM