Is-qabqabsiga xulista wakiilada Somaliland ee BF oo xoogeystay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-mari-waaga xulista wakiiladda Somaliland ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u muuqda mid galay mar-xalad cusub iyaddoo illaa hadda aysan muuqan dedaalo lagu doon-doonayo xal waara.

Tirro sharci-dejiyeyaal ah kana soo jeeda gobolada waqooyi ee dalka oo Talaadada maanta ah ku shiray caasimada Muqdisho ayaa mucaaraday go'aankii uu afhayeenka Aqalka Sare ka qaatay soo xulista xubnaha cusub.

Xildhibaanada oo taageeray qorshaha Villa Soomaaliya ee ah in xukuumadda soo magacowdo guddiga xulista ayaa ku eedeeyay gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi "in uu dayacay mas'uuliyadii metelaada Somaliland".

Mudaneyaasha oo ku adkeystay in aysan jirin sharci Xaashi awood u siinaya in uu soo magacaabo guddiga xulista ayaa si lamid ah waxay ku dhaleeceeyeen in uusan ka qeybgelin shirarkii looga heshiiyey doorashooyinka 2020-21.

Dhawaqa kasoo yeeray mas'uuliyiintan ayaa caddeynaya in xubnaha gobolada waqooyi ku metala dowlada federaalka uu dhexdooda khilaaf ka jiro una kala qeybsan yihiin qaar taageersan dowladda, iyo kuwa kasoo horjeeda.

Gudoomiye Xaashi oo horey u qiray in aysan isku waafaqsaneyn qoraalka uu soo saarey ayaase rajeeyay in ay shir wadatashi isugu imaan doonan.

Mar walba oo xarig-jiidkan sii daba-dheeraado isla markaana dhinac walba ku adkeysto mowqifkiisa waxay sababi kartaa faragelinta daraf saddexaad iyo in ay dharbaaxo ku noqoto fulinta jadwalka doorashadda ee lagu balamay.

Jadwalka doorashooyinka ayaa haatan dib u dhac uu ku yimid si gaar ah qodobada xeerinaya magacaabida guddiyadda oo loo balansanaa 10 illaa 20 October iyo xulista baarlamaanka 10aad oo loo madalsanaa 1-da bishan November.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga wuxuu dhamaanayaa 27-ka December, sidda uu sheegay afhayeenka Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, kaasoo xusay in ay sii joogayaan in bedelkooda la helayo.

Xukuumadda ayaa muddo xileedkeeda wuxuu idlaanayaa 8-da Febraayo, 2021-ka, taasoo la macno ah in ay u hartay in ka badan 100 maalmood oo laga doonayo in ay dalka ku gaarsiiso doorashooyin waqtigooda ugu dhaca qaab nabdoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM