Jabuuti oo guddi u dirtay xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image

DJABUUTI, Jabuuti – Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday inay u dirtay guddi xaqiiqo raadin xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya si ay u raadiyaan qaabab lagu qaboojinayo xiisada u dhaxeysa labada dal.

Wasiirka Arimaha Dibada Jabuuti, Maxamuud Cali Yussuf, ayaa sheegay in kooxdan oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo diblomaasiyiin loo diray magaalooyinka xuduuda ee Beled Xaawo ee Soomaaliya iyo Mandheera ee dalka Kenya si ay u soo qiimeeyaan xaalada.

Jabuuti waxaa loo xil saaray intii uu socday shirkii IGAD ee dhawaan inay ka door ka cayaarto dejinta xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay maleeshiyo taabacsan maamulka Jubbaland ay ku diyaarisay magaalada Mandheera si ay u weeraraan saldhigyada ciidamada Soomaaliya ee Beled Xaawo.

Kenya iyo Jubalnad way beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyay ayaga oo ku qeexay kuwa salka ku haya dano shaqsiyadeed.

Labada dhinacba waxay ciidan soo dhoobeen xadka taasoo sare u qaadaysa cabsida ay qabaan dadka ku nool gobolka kuwaasoo sheegaya in ay ka walwalsan yihiin dagaal gebi ahaanba ka qarxo labada dal.

Maamulka Farmaajo oo ciidamadda geeyay gobolka Gedo ayaa damacsan in uu soo saarto Xildhibaano taageersan doorashada soo aadan balse waxaa qorshahaas kasoo horjeeda maamulka Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM