Agaasimaha hay'adda socdaalka Soomaaliya oo qarax ka badbaadey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax nooca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa fiidnimadii caawa wuxuu ka dhacay wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isgoyska KM-4 ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo lagu waramay in uu jidka marayey xilliga uu qaraxu dhacayey, ayaa ka badbaadey isagoo aan waxyeelo soo gaarin.

Sadiiq Doodishe, afhayeenka bileyska Soomaaliya oo telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online oo xaqiijiyey dhacdada, ayaa tibaaxay in ay soo gaartey dhimashada ruux wadada marayey.

Warar madax-banaan oo laga helayo goobjoogeyaal ayaa muujinaya in khasaaraha uu intaas ka badan yahay, wallow aan wali lagu sameyn tiro-koob rasmi ah.

Bishaan October 1-deeda, sarkaal ka tirsan hay'adda sirdoonka, Caano-geel, ayaa ku dhintay qarax ay haweenay fulisay kana dhacay inta u dhaxeysa Baar Ubax iyo Black Sea ee degmada Howlwadaag.

Haweenayda ayaa la sheegay in ay isku duubtay taliye waaxeedka oo marayey meel ku dhow isgoyska Black Sea wadada soddonka isla markaana falkaas ay ku dhaawacmeen laba uu mid ilaalo u ahaa.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa sheegatay mas'uuliyada is-miidaaminta. Baraha faafiya wararkooda waxay wariyeen in laba ilaalo ay ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM