Khayre oo u dhoofay Itoobiya xili ay sareyso cabsida Coronavirus

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Talaadada maanta ah wuxuu u socdaalay Itoobiya xilli ay sareyso cabsida Coronavirus.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah ayaa lagu sheegay in uu la kulmayo madaxda wadankaas.

War-saxaafadeedka ayaanan lagu soo bandhigin ujeedada safarka iyo qodobadda lagu lafaguri doono wadaxaajoodyadda labada dhinac.

Itoobiya ayaa kamid ah dalalka laga helay COVID—19. Wasaaradda caafimaadka dalkaas waxay shalay xaqiijisay kiiskii lixaad ee xanuunkaas dilaaga ah.

Gudaha Soomaaliya hal kiis ayaa la hubiyey xili baaris ay ku socotaa tirro kale, waxaana la geliyey karan-tiilo muddo maalmo ah.

Kahor in uusan u dhoofin Addis Ababa, ra'iisul wasaare Khayre ayaa amray in la xiro goobaha waxbarashadda 15-maalin, illaa iyo amar dambe.

Xukuumaddiisa ayuu tilmaamay in ay diyaarisay miisaaniyad gaareysa 5 milyan oo Doolar oo lagula tacaalayo xaaladaha la xiriira ka hortaga cudurkaas.

Wasaarada caafimaadka oo walaac ka muujisay safarada shaqaalaha dowlada ayaa ku talisay in laga baaqsado socdaalada aan muhiimka ahayn.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa iyadana laba todobaad joojisay duulimaadyada caalamiga, si looga hortago in dadka dibada ka imaanaya ay keenaan cudurka.

Corona oo ah fayrus aad u faafa waa nooc kamid ah hergabka oo qofka uu u dhiman karo. Astaamihiisa waxaa kamid ah qandho daran, qufac iyo neef-xiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM