Mareykanka oo baaq u diray madaxda kadib dagaalkii Beledxaawo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay colaada hubeysan ee ka bilaabatay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa dhinacyadda loogu baaqay in ay ka fogaadaan iska-hor-imaadyada dhiilada leh.

"Waxaan ku baaqeynaa in colaada lagu dhameeyo xal nabdoon oo siyaasadeed," ayaa lagu soo qoray bogga Twitter-ka ee safaaradda.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Dhamaan hogaamiyeyaasha waxay u baahan yihiin in ay dulqaad muujiyaan qaboojiyaanna xaalada si ay uga faa'iideystaan Soomaalida ku dhaqan gobolka".

Hadalkaan ayaa yimid iyaddoo maanta ay magaalada ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Wasiirka Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, iyo askar kale oo daacad u ah Dowladda Soomaaliya.

Ku dhowaad tobban ayaa ku dhimatay isku dhaca oo ku bilowday qarax xoogan isla markaana burburiyey hoy badan, barakac baahsan ka sababay degaanka.

Villa Soomaaliya iyo maamulka madaxweyne Axmed Madoobe ayaa cilaaqaadka siyaasadeed oo wanaagsan uusan ka dhaxeyn sida maamulada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo la kulmay Senator Mareykan ah oo taageersan aqoonsiga Somaliland

Waxa uu sidoo kale xusay kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland, gaar ahaan macdanta sida lithium-ka, iyo xiriirka ay la leedahay Taiwan.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:57AM

Fiqi oo ka hadlay weerarkii Trump ku qaadey Ilhan Omar

Trump wuxuu bartiisa Truth Social ku qoray: “Soomaaliya waa mid mar walba ka mid ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 08:03AM