Mas'uul ku dhaawacmay rasaastii dabaaldega 26-ka June oo hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xaqiijiyey in uu kamid ahaa dadka ku dhaawacmay rasaastii loogu dabaaldegay xuska 26-ka June.

Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay waxyeelada kusoo gaartay gudaha Madaxtooyadda gaar ahaan goobtii xafladdu ka socotay.

Sharci-dejiyaha oo dhaawaca uu kasoo gaarey gacanta midig ayaa rumeysan in xabadda ay ahayd mid meel fog laga soo gannay. Dhaawaca kadib, waxaa loola cararay xarun caafimaad si loo badbaadiyo noloshiisa.

"Calan-saarkii baa la sameeyay, marka dadka markii ay banaanka u soo baxeen, barxadii baabuurta laga raacayey ay joogaan, dhamaan lawada sugayo baabuurta oo dad aad u badan oo madaxdii qaranka ay kamid yihiin ayay xabadaas wiiftada ah anigoo sugaya baabuurkeyga gacanta midig igaaga dhacday," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey telefishinka maxaliga ah ee Dalsan.

Illaa iyo haatan, Villa Soomaaliya wax war ah kama soo saarin dhacdadaan. Xiriiro lala sameeyay lama jawaabin dalabyo ku aadan in ay ka hadlaan.

Tani ayaa sii xoojineysa walaaca iyo cabsida ku saabsan rasaasta nool-nool ee loogu dabaaldego maalmaha xorriyadda 26-ka June iyo 1-da Luulyo.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in habeenkii 26-ka June ay dhaawacyo soo gaareen tobanaan shacab ah; Isbitaalada Madiina iyo Daaru Shifa waxaa la dhigay wadar ahaan todoba ruux, sidda uu GO ogaaday.

Maadaama muuqato khasaaraha laga dhexlay habeenkii 26-ka June, waxaa shacabka caasimadda ay codsadeen in dabaaldega 1-da Julaayo ee nagu soo fool leh aanan loo adeegsan rasaas "si aysan nafteena halis u gelin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM