MUQDISHO, Soomaaliya - Horumar ayaa laga sameeyay xal u helida khilaafka doorashadda kuraasta gobolada waqooyi ee baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya, sida ay Khamiista maanta ah shaacisay xukuumadda.

Xafiiska ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Soomaaliya oo ku dhawaaqay "is-afgaradkaas" ayaa ku qeexay mid ku aadan in hogaanka labada garab ay u kala qeybsameen siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay xal gaaraan.

Shaacintan ayaa ka dambeysay markii ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed.

"Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Qoraalka lagu daabacay barta Facebook ayaa la raaciyey: "Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi".

Faragelinta xafiiska ra'iisul wasaaraha ayaa kusoo aadeysa xilli waqtiga loo balamay in ay bilaabato doorashadda Aqalka Sare ay kaliya naga xigto saddex casho isla markaana ay ku beegan tahay 25-ka bishan July.

Qadiyada kuraasta gobolada waqooyi ayaa kamid ah arrimaha daahiyey doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka ee Soomaaliya taasoo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto inta u dhaxeysa 2020 illaa 2021-ka.

GAROWE ONLINE