Qaab dhismeedka hogaanka Ciidanka Soomaaliya oo la badalay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa meesha ka saarey gabi ahaanba xilka abaanduulaha, sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeen dad si dhow ula socda arrintaasi.

Tani ayaa ka dhigan in Odowaa Yuusuf Raage, Janaraal dhalinyaro ah, oo xilkaasi hayey tan iyo sanadkii hore uu jagadaasi waynayo.

Taasi bedalkeeda taliska ayaa sameeyay jagooyin cusub taasi kala ah, taliye ku xigeenka milatariga, taliyaha Ciidanka lugta iyo abaanduulaha qaybtaasi.

Cabdi Xasan Maxamed, sareeye Gaas, ayaa laga dhigay taliye ku xigeenka ciidanka xoogga. Cabdi ayaa kamida waayo-araga xoogaga dowladda ku jira.

Cabdi ayaa horey u soo noqday u qeybsanihii Milateriga ee Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Sacuudiga, dowladii madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf.

Janaraa Odowaa ayaa laga dhigay taliyaha Ciidanka Lugta, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan wasaarada gaashaandhiga xukuumada federaalka ah.

Xogaha laga helayo isbedalka ayaa intaasi ku daraya in Janaraal Cabdirashiid Cabdullaahi Shire loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka lugta.

Mas'uuliyiin ka tirsan wasaarada difaaca iyo saraakiil ciidan ayaa u dusiyay GO in ujeedka laga leeyahay isbedalkaan ay tahay si loo dar-dargeliyo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaabka dhismeedka cusub ee ciidanka Soomaaliya loo sameeyay ayaa imaanaya xili uu madaxwayne Farmaajo ku eedeeyay dhowaan saraakiisha in ay uga baxeen balankii ahaa in Shabaab dalka uga xoreynayaan muddo labo sano ah.

Ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa nan horey u lahayn taliye ku xigeen, balse waxaa booskaasi ku jiray Abaanduulaha oo ay muuqato in meeshii laga saarey.

Khuburada dhinaca ciidamada ayaa is-waydiinaya hadii xilalka lasoo kordhiyay iyo isbedalkaan uu dhalin karo xasilooni amni iyo in laga adkaado maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM