MUQDISHO, Somalia - Qarax Gaari ayaa saaka oo Arbaco ah waxa uu ka dhacay Isgoyska Maana-Boolyo, ee magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Somaaliya, kaasi oo geestay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isagu jira.

Qaraxan ayaa waxaa Gaarigiisa loogu xiray nin magaciisa lagu soo koobay Abu Shiine, kaasi oo  ka tirsanaa shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ay sheegeen Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Somaaliya.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo kamid ah degmada Boodheere, waxaana ay dadka deegaanka sheegeen in Ciidamada amaanka ay xireen goobta, islamarkaana sameeyay howlgal la xiriira dhacdada, iyagoo halkaasina oo kasoo qaadey Meydadka Marxuumka la dhintay.

Saddex qof oo shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa gaari, kuwaasi oo loola cararay Isbitaallada Muqdisho. Wali ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda qaraxan, balse waxaa xusida mudan in Al shabaab ay inta badan fuliyaan weerarada noocan ah.

GAROWEONLINE